Baarcadeeye.com
Wasiir Sacad iyo Safiir Baashe Midkeebaan Run Sheegayn Arinta Saldhiga Ee Ay Isku Buriyeen(faallo) –
December 29, 2017 - Written by admin

Hargeysa(Baarcadeeye) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire,ayaa Idaacada BBCda Laanteeda Afka Soomaaliga Wareysi uu Siiyay,ku sheegay in hakad la galiyey Heshiiskii Dawllada Imaaraadka iyo Xukuumadii hore ee Ku Sahabsanaa Saldhiga Millatari ee laga Siinayay Berbera isagoo,isla qodobkaasina uga Waramey,qaar kamid ah Warbaahinta Maxaliga ah ee Somaliland iyadoo arintani isbadelka Xiligan ee Xukuumada Cusub,ay kamid tahey Qodobadda ugu hadalheynta badan Bulshada dhexdeeda islamarkaana,sida weyn loogu dhegtaagayo halka ay dib uga ambaqaado iyo sida ay ku dambeyn doonto Mustaqbalka dhaw.

Inkastoo,isbadel weyni ka muuqdo hadalka Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire marka nuxur ahaan loo tixraaco in hakad la galiyey heshiiska ku wajahnaa heshiiskii Saldhiga Milatari ee Dawllada Imaaraadku ka Dooneysay Madaarka Berbera ee hore looga ansixiyey Xiligii Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo Golaha Wakiilada wallow ay jireen inaan si toos ah loogu soo bandhigin Warbaahinta Nuxur ahaan Qoraaladii laga baahiyey Wakhtigaasi.
Haseyeeshee,waxa iyana Xusid Mudan in Safiirka Dawllada Imaaraadka u qaabilsanaa Xukuumadda Somaliland Xukuumadii hore Baashe Cawl Xaaji Cumar,oo wali haya Xilkaasi uu Warbaahinta ka sheegay isla maanta in heshiiskaasi sidiisii yahey,oo aaney habayaraatee wax iska badelay jirin taas oo ka hadalka arintani kusoo beegmay waxyar kadib markii Wasiirka Arimaha Dibadu ku sheegay in Nuxurka heshiiska dib loo eegayo sidaa daraadeedna Wakhti xaadirkan hakad la galiyey gabi ahaantiiba waxa ay isweydiintu tahey, labadan Masuul ee kawada Tirsan Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi midkeebaan Run sheegayn,dabcan waa su,aal muhiim ah oo Shacbigu si dareen xambaarsan maadaama ay marka horeba xasaasi aheyd mawduuca Saldhiga Milattari saameynta uu isbadelkani ku yeeshana sigaar ah isha loogu hayey haba ahaadeen Labada Xukuumadood ee isbadelay Xisbiga Kulmiye,e.
Sikasta oo ay tahey, Wali waxey arimuhu u muuqdaan si dhab ah hoos loogu dhaadhaco in jawaabteeda laga sugayo Xukuumadda Talada qabatey taas,oo hadii aaney iman mar walba u muuqaneysa iskadaba hadalkii Xubnaha Golaha Xukuumaddii hore oo isku burin jirey si joogto ah waxeynu xaqiiqda ay ku arooreyso halka ay arintaasi saldhigto laga sugayaa jawaabta dambe ee Xukuumadani ka bixiso hadalka Safiirka ee ah inaan Waxba iska badelin Heshiiskaasi iyo kii ka horeeyay ee Wasiirka Arimaha Dibadda.
Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)

COMMENTS