Baarcadeeye.com
Shirkada isgaadhsiinta ee TELESOM ayaa malintii salaasada ee bishu ahayd 26th December 2017 baahisay warlidi ku ah qaranimada jamuuriyada somaliland.
December 28, 2017 - Written by admin

Barnaamujka fariimaha simcardka TELESOM ee telephoneka gacanta kuso dhaca ee AQOONMAAL oo baahiya wararka caalamka iyo kuwa dalka ayaa waxa ay shirkada isgaadhsiinta ee TELESOM ku baahisay Barnaamujkaa waa AQOONMAALE war ay ka soo xigateen idaacada BBCda oo ka warmayay dab ka dhacay magaalo xuduudeedka wajaale dhanka jamuuriyada somaliland dabkaasi oo qabsaday Ilaa inka badan siddeetan meheradood warkaasi waxay BBCdu ku baahisay odhaahda kutiri kuteenka ah ee odhanaysa ( jamuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee somaliland ).

Hadaba shirkada isgaadhsiinta ee TELESOM ayaan baahisay warka iyaga oo soo xiganaya idaacada BBCda isticmaalayna odhaahda kutiri kuteenka ah ee ababulan lidigana ku ah qaranimada jamuuriyada somaliland oo ah (jamuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee somaliland).

Shirkada isgaadhsiinta ee TELESOM wali hore umay isticmaalin odhaahda abaabulan ee idaacada BBCdu baahiso markasta oo ay war ka sheegayso somaliland odhaahdan ayaa waxa aad uga biyo diidan jamuuriyada somaliland oo u arka xadgudub lagula kacay qaranimadooda iyo jiritaankooda.

Hadaba shirkada isgaadhsiinta ee TELESOM waxay si badheedha oo cad u isticmaashay odhaahda kutiri kuteenka ah ee ababulan ee idaacada BBCdu ikhtiraacday ka dhaba qaadadtay waana wax lidi ku ah qaranimada jamuuriyada somaliland iyo jiritaankeedaba.

FG. Waxan baaq u diraynaa dhamaan wasaaradaha iyo haayadaha dawliga ah inay talaabo shariga waafaqsan ka qaadan idaacada BBCda iyo shirkada isgaadhsiinta ee TELESOM iyo cidkasta oo lidi ku ah qaranimada jamuuriyada somaliland.

#DULUCDA_SHEEKADA
●Aynu meel uga soo wadajeedsano cadawgeena iyo cidkasta oo lidi ku ah qaranimada jamuuriyadeena somaliland.

#HALKUDHIGA_SHEEKADA
-Idaacada iskeed isaga hadasha ee BBCda
IYO
-shirkada iskeed u dhiigmiirata shacbiga reer somaliland ee TELESOM

W/Q Nasri Maxamed Yuusuf

COMMENTS