Baarcadeeye.com
Beentii Xukuumaddii Hore Ku Maaweelin Jirtay Shacabka Somaliland Oo Soo Gaabatay Iyo Maamulka Muqdisho Oo Maanta U Dabbaal Degaya La Wareegidda Hawada Somaliland Iyo Soomaaliya
December 28, 2017 - Written by admin

Dawladda Farmaajo Oo Xaflad Weyn Maanta Ugu Dabbaal Degaysa La Wareegidda Maamulka Hawada Wixii La La Isku Odhan Jiray Soomaaliya Iyo Fashilka Xukuumadda KULMIYE
Muqdisho, December, 28, 2017 (Baarcadeeye)- Inkasta oo marar badan xukuumadda Somaliland gaar ahaan Xukuumaddii hore ee dhawaan xilka wareejisay ee uu hormuudka u ahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay shacabka Somaliland mar walba u sheegi jirtay in ay Qaramada Midoobay dhex ka tahay arrinta La xidhiidha maamulka wixii la isku odhan jiray Soomaaliya waxa hadda si cad bannaanka ug usoo baxday in uu maamulka dalkaasi Soomaaliya ee Muqdisho si rasmi ah maamulka Hawada ula wareegay iyada oo ay dhammaanba soo gaabteen sheegashadii xukuumaddeenii hore.

Dawladda Soomaaliya ee aynu jaarka nahay ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah xadhiga uga jaraysa xafiis ballaadhan oo qalabaysan oo la sheegay in ay kala socon doonaan Maamulka Hawada Soomaaliya iyo Somaliland oo ay u arkaan in ay qayb ka tahay dalkooda.
Wararka ka imanaya dalkaasi Soomaaliya waxa ay sheegayaan in Wasiiru dawlaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi uu shalay si rasmi ah u sheegay in maanta oo Khamiis ah magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu qaban doono Munaasabad lagu daah furayo xarunta lagala socon doono maamulka Hawada Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto.
Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku guualysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo sannadkii 1991-kii laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana hadda gacanta ku haysay hay’adda Qaramada Midoobau ee ICAO.
Wasiirka dalkaasi Soomaaliya u hadlay ayaa sidoo kale sheegay in la rakibay dhammaan qalabkii lagu shaqayn lahaa, shaqaalo badan loo tababaro iyadoo Madaxda dalka ay kasoo qeyb gali doonaan Munaasabadda Daah furka.
Wasiiru dowlaha ayaa ku faanay in tallaabadan ay tahay guul usoo hoyatay dawladooda iyo shacabka dalkiisa isaga oo sheegay in ay dhammaan Soomaaliya intii la isku odhan jiray guul u tahay maadaama ay sida uu hadalka u dhigay hawadoodii dib u hanteen, waxayna wax badan ka bedeli doontaa buu yidhi dhaqaalaha Soomaaliya.
Wasiiru dawlaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi waxa uu gabi ahaanba iska indho tiray oo aanu soo hadal qaadin sida ay qaddiyaddani u khusayso Somaliland isaga oo aan soo qaadin heshiisyadii London iyo Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya dhex maray kuwaasi oo gaar ahaan kii Turkigu dhigayay in si is le’eg maamulka Hawada looga wada hawl galo wixi laga yeeli lahaa balse intaa wixii ka dambeeyey ay dawladda Soomaaliya dadaalkeeda sii wadatay iyada oo sharciyadda iyo aqoonsiga dalkeeda ka faa’iidaysanaysa balse dawladda Somaliland gabi ahaanba arrinkaasi xaqiiqadiisa Bulshada ka dabooshay mar walbana ku andacoon jirtay in ay beeniso dadaalada Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo gaar ahaan wasiirradii dambe ee soo maray Wasaaradda Duulista Iyo Hawada Somaliland ayaa mar walba oo ay soo baxaan dadaalada dawladda Soomaaliay kula wareegayso hawada waxa ay si indho la’ u beenayn jireen in aanay jirin cid maamulka hawada dawladdaasi Soomaaliya ku wareejisay balse maanta waxa xaqiiqo noqotay in dhammaan arrimihii ay shacabka u sheegi jireen ay soo gaabatay iyada oo xaqiiqadan taagani waji gabax ku noqonayso maadaama ay shacabkooda xaqiiqada ka qarin jireen iyo sheeko aan meel gaadhsiisnayn.
Illaa imika lama oga xukuumadda cusubi siyaasadda ay ku wajihi doonto tallaabadan dhirbaaxada ah ee Somaliland ku dhacday iyo in ay qaramada Midoobay kala xaajoon doonto arrinkaasi oo haddii sida uu u socdo uu ku dhammays tiran yahay dhaawac weyn ku ah qaranimada Somaliland.

Xigasho Foore

COMMENTS