Baarcadeeye.com
Baashe Cawil Oo Awood Badan Ku Lahaa Xukuumaddii Hore Oo Joog Iyo Jiifba Diiday,Gaaf Wareegna Ku Jira Iyo Mashaariic Malaayiin Dollar Kasoo Gali Jireen Oo Laga Joojiyay.
December 28, 2017 - Written by admin

“Madhabaa In Laga Joojiyay Lacago Badan Oo Uu Ka Qaadan Jiray Laabka Shidaalka Lagu Baadho Ee Berbera Yaala Iyo Mashaariico Kale Oo Uu Danno Gaar Ah Ku Qabay Intii Ay Xukuumaddii Hore Dalka Haysatay.

Hargeysa(Baarcadeeye) – Safiirkii hore ee Dalka Somaliland u fadhiyay imaaraatka Carabta Baashe Cawil oo ka mid ahaa Saddexdii masuul ee ugu sareeyay islamarkaana ugu awoodda badnaa Xukuumaddii hore ee Siilaanyo ayaa xaalad kale galay kadib markii la dareeriyay dhamaan Xukuumaddii uu ka tirsanaaa waxaanu maalmihii u dambeeyay ku jiray Xaalad Gaafwareeg ah oo uu la foolaadayo illo badan oo dhaqaale uga soo xeroon jiray oo la sheegay in qaarkood la hakiyay halka kuwa kalena lagu dhaw yahay in lahakiyo kadib marka la ogaado.\

Warar maalmihii u dambeeyay lagu baahiyay Shabakadaha Wararka Somaliland qaarkood, waxa si weyn loogu qaadaa dhigay oo lagu lafo guray lacago xad dhaaf ah oo Safiir Baashe Cawil uga soo xeroon jiray laabka shidaalka lagu baadho ee yaala Berbera kaasi oo uu si gaar ah u manaafacaadsanayay intii ay Xukuumaddii hore ee uu awoodda baddan ku lahaa ay jirtay balse maalintii xadhiga uu Madaxweynihii hore ka jaray lagu sheegay inuu yahay hanti qaranku leeyahay,waxaanay wararka hadda helayaa ay sheegayaan inuu lacag 180-kun oo Dollar gaadhaysa uu si gaar ah uga qaadan jiray bil walba Baashe Cawil lacagtaasi oo sida la sheegay jeebkiisa ku dhici jirtay balse wakhtigaasi qarsoonayd maadaama oo uu awood xoogan uu ku lahaa Xukuumadda hore oo uu safka hore kaga jiray Saddexddii masuul ee ugu sareeyay.
Warar kale ayaa sheegaya inay jiraan Shirkado yar yar iyo masharaacii kale oo badan oo ku baahsan dalka oo ay masuulkani lacago uga soo xeroon jireen,kuwaasi oo gabi ahaanba meesha ka baxaya maadaama oo ay Xukuumad Cusubi wadanka qabsatay.Waxa ka mid ah meelaha uu masuulkani sida weyn u qoomamaynayo ee uu ku hungoobay ee laga soo gaadhay Logistic-ka Dekeda Berbera oo uu si gaar ah ula heshiiyay Shirkada Dp-World,iyo dano kale oo baaxadleh oo dhaqaale oo uu ku qabay dhaxal Wareejinta Dekeda Berbera,waxaana uu maalmihii u dambeeyay gaaf wareegayay Magaalada Hargeysa isagoo waayay tabo iyo xeelad uu hanto Hogaamiyaha Cusub ee Dalka qabsaday si uu danihiisa dhaqaale u sii haaneedo. Warar kale ayaa sheegaya inuu maalin dhawayd isku dayay inuu la kulmo Wasiirka Arimaha Dibada Sacad Cali shire si uu ugala hadlo Arimaha Saldiga Imaaraatka ee ay Xukuumadda Cusubi hakadka galisay,waxaana la sheegay inuu kulankaai ka qabsoomi waayay dhinaca Wasiirka oo ka cudur daartay.
Baashe Cawil oo uu sodog u ahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland oo awood badan ku lahaa Xukuumaddii hore ayaa hadda u muuqda mid saaxada ka sii baxaya,Waxaana xaaladiisu ku jirtaa mid aan dhanaba haysan oo jahawareer ah kadib markii ay meesha ka baxday filashadiisii Xukuumadda Cusub iyo damac la sheegay inuu maagaan inuu ugu yaraan Xil wasiir ka qabto Xukuumadda.

Foore

COMMENTS