Baarcadeeye.com
War Deg Deg Ah: Halkee ayuu iskugu Biyo Shubtay Khasaaraha Dabkii Shalay Baabiiyay Bakhaaradii Ganacsi Ee Wajaale? Muxuu Ka Kacay,Yaa Magdhawga Khasaarahaasi Laga Rabaa?
December 27, 2017 - Written by admin

Wajaale(Baarcadeeye) – Wararka Shabakada Baarcadeeye ka helayso Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale ayaa faah faahinaya halka uu ku jihaysan yahay khasaarahaasi iyo cidda ay u dhawdahay in magdhawga Khasaarahaasi lagu yeesho oo ay bixiso.

Inkasta oo ay wali socoto baadhista dabkaasi waxa uu ka bilawday haddana Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa shabakada Baarcadeeye u xaqiijiyay in Ganacsatadii hantida baddani kaga burburtay Khasaaraha dabkii Shalay wajaale ka kacay ay u sibir saarayaan inuu dabkaasi ka kacay Shoodh uu sameeyay xadhko ka mid ah laydhka shirkada TELESOM ee Wajaale.
Sida ay noo Xaqiiniyeen warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay Wajaale,Waxa uu dabkaasi markii hore ka bilawday mid ka mid ah Bakhaar ganacsi oo meel Cidhiidh ah ku yaalay, kaasi oo la sheegay inuu ka bilawday shoodhka laba xadhig oo laydhka Telesom ee Wajaale ah oo diirnaa oo isku xoqmay,waxaana Xogaha ugu badan laga helay Qaar ka mid ah illaalada Habeenkii ee soo jeeda kuwaasi oo ku guulaystay sida la sheegay inay dhamaan dadkii dhex hurday bakhaarada gubtay ka kiciyaan iyagoo guri guri albaabka ugu garaacay dabadeedna dibada uga soo wada saaray xiitaa kii dabku uu ka bilawday dadkii dhex hurday.
Mishiinada Laydhka Shirkada Telesom ee Wajaale ayaa dabka ugu badan u shida magaalada Wajaale,mana aha khasaarihii ugu horeeyay ee Laydhka Telesom ee Wajaale gaystay balse hore ay dad ugu dhinteen dabka shirkaasi Magaalada Wajaale.
Wixii warar kasoo kordha kala soco Shabakada Baarcadeeye.com

COMMENTS