Baarcadeeye.com
Talo Ku Aaddan Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Muuse Biixi —-Qalinka: Siyaasi Maxamed Odowaa Cigaal
December 18, 2017 - Written by admin

Mudane madaxweyne, marka hore waxaan eebe kaga baryayaa in uu kuu kuu fududeeyo xilkan culus ee dusha kuu saran. Xamil aadamuhu qaado waxa ugu culus xil umadeed ee yaanu marna madaxaaga ka bixin.
Marlabaadka, waxaan damcay in aan garaadkayga kuu soo gudbiyo talo kooban si aad ugu darsato talooyinka faraha badan ee kaaga imanaya wax garadka daneeya jiritaanka iyo horumarka Somaliland.

Mudane Madaxweyne waxa aan ku xasuusinayaa in xukumadihii ka horeeyey xisbiga kulmiye ay culayska saareen dhidib u taagida qaranimada, dib u dhiska iyo ka soo kabashada bur burkii lixaadka lahaa uu umadan ka soo gaadhay halgankii qadhaadhaa ee dib u xoraynta dalka.
Xukumadii kulmiye ee adiga kaa horaysay ayaduna waxa ay xooga saartay wax ka qabashada kaaba yaasha dhaqaalaha sida Gaadiidka, Wadooyinka, Garoomada Diyaaradaha, Dekadaha, Tamarta iyo dhismaha xafiisyada Dawlada. Intuba waxay ahaayeen arimo muhiim ah oo mudan in lagu hamiyo wax ka qabadkooda.
Mudane madaxweyne, aniga oo si weyn u qiimaynaya wax qabadka iyo dadaalka ay sameeyeen xukumadahii Dalka soo maray ee adiga kaa horeeyey, waxa adiga si gaara kugula talinayaa inaad culays saarto kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarintiisa.
Waxa aan ku xasuusinayaa in ay Somaliland leedahay xubno dhaqaale oo ALLUHA Weyni ku manaystay oo kala ah sida:-
Xoolaha
Beeraha
Badda
Ganacsiga
Warshadaha
Macdanta
Farshaxanka
Dalxiiska Iyo kaabayaasha dhaqaalaha

Xubnaha dhaqaale ee dalku waa kala muhuumsanyihiin kalana mudan yihiin. Taladaydu waxay ku wajahan tahay xubnaha dhaqaale ee la xidhiidha wax soo saarka tooska ah ee xoolaha, Beeraha, iyo badda ( Kaluumaysiga). Xubnahan wax soo saar oo kor loo qaado ama hore loo mariyo, waxay samayn iyo is badal horu marsan ku yeelanaysaa arimahan bulsho iyo dhaqaale.
Koboc dhaqaale oo qofeed
Horumar dhaqaale oo qaran
Fursado shaqo oo oo badan
Iskukalsooni iyo isku tashi bulsho
Tix galin iyo aqoonsi bulshada caalamka
Iyo kuwa kale oo muhiim ah

Kor u qaadista iyo horumarinta wax soo saarku waxay abuurtaa ganacsi balaadhan iyo bilowga warshado fudud. Ganacsiga iyo warshadaha yar yar oo hore loo mariyaa waxay keentaa kor u qaadista barashada farsamooyinka shaqo ee jiimka soo koraya iyo abuuritaanka fursado shaqo oo ay helaan dhalinyaradu. Warshadaha fudud ee ka shaqeeya wax soo saarka tooska ah ee xoolaha beeraha iyo badu waxay noqon doonaan:-
Xoolaha
-Warshadaha hilibka
-Warshadaha Hargaha iyo saamaha
-Warshadaha is qurxinta
-Bacrinta beeraha
-Caanaha iyo subaga Iyo kuwa kale

Beeraha
-Warshada shiidka midhaha beeraha
-burka iyo baastada
-midhaha saliida
-Dharka iyo suufka
-Sharaabka iyo tamaandhada
Iyo kuwa kale
Badda
-Warshadaha kaluunka
-Warshadaha Milixda
-Warshadaha falax falaxda
Iyo kuwo kale
Mudane madaxweyne, arimaha aan kor ku soo sheegay, waxay wax weyn ka badali karaan xaaladihii siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee gaabiska ahaa ee aynu ku soo soconay mudada ku dhaw 30 sano.
ALLAA MAHAD LEH

COMMENTS