Baarcadeeye.com
Daawo Sawirada: Jidka Allaybaday Ee Dhismihiisu Socdo Oo Aan Muddo Sanad Ah Waxba Lagu Darin,Gaadiidkii Oo Goob Cidlo Ah Lagu Shiraacay,Gaadhigii U Adeegayay Oo Isna Cidlo Ku Cadilan,Iyo Cidda Eedaasi Saaran Tahay + Lacag Xad Dhaaf ah Bil Walba Loo Ururiyo.
July 16, 2017 - Written by admin

Allaybaday(Baarcadeeye) – Jidka Laamayda ah ee Cusub ee Wali Gacanta lagu hayo ee Allaybadday iyo Arabsiyo isku xidhaya ayaa muddo sanad ah hakad kujira iyadoo dadka loo sheego inay shaqo ka socoto islamarkaana lacag badan bil walba lagaga qaado dadka deegaankaasi ka soo jeeda,Maamulka Gobolka iyo Qasnada Xukuumadaba.
Kormeer Shabakada Baarcadeeye ku soo maray Todobaadkii hore Guud ahaan Gobolka Gabiley,gaar ahaan Tuulooyin badan oo hoos yimaada Maamulka Degmada Allaybaday ayaa waxaanu xog dhamaystiran ka soo qaadnay xaaladda ay hadda ku sugan tahay Jidka Laamayda ah ee sanadadii u dambeeyay dhismahiisu socday ee isku xidhaya Allaybaday iyo Arabsiyo kaasi oo aan wali fari ka qodnayn balse gacanta lagu hayo.
Waxaanu jecelnahay inaanu Akhristayaashayada la wadaagno Sawiro cadayn ah oo aanu ka soo qaadnay jidkaasi,Gaadiidkii oo la iska shiraacay oo aan wax shaqo hayn marka laga yimaado macdaadka oo laba meelood kala yaala,Cagaftii Ciida qodaysay ee Wasaaradda Beeruhu ugu deeqday jidkaasi oo mudo fadhida oo dayactir u baahan,Afka hore ee Jidka oo Doog ama risi ka baxdday oo muujinaya inaan Muddo sanad ah waxba laga qaban iyo dadkii goobahaasi ku sugnaa oo Shabakada Baarcadeeye U Cadeeyay inaan sanad waxba laga qaban marka laga yimaado dhaq dhaqaaq bilo ka hor laga sameeyay badhtanka Jidkaasi oo ciida layar farashay.

Dhawr jiho ayay jidkaasi lacagi ka soo gashaa,Mid Gobolka Gabiley bil walba siiyo oo la sheegay inay kor u dhaafayso 6,000-Kun Oo Dollars,lacag dawlada dhexe ka soo gasha oo intaasi ka badan,Lacag masuuliyiinta Iyo Ganacsatada Deegaanka Allaybaday bixiso,Lacag buuran oo qaadhaan ah oo shaqaalaha Deegaankaasi bil walba laga qaado,Lacag qurbajoogta Deegaankaasi bil walba ugu deeqdo oo aan yarayn,iyo lacag si aan caadi ahayn dad kale oo magac leh uga timaada jidkaasi,Waxa lacagahaasi la rabay in lagu dhaqaajiyo Jidkaasi,Waana lacago bil walba soo gala balse lama oga sababta sidaasi ku dhacday.
Wasiirka Beeraha Somaliland Maxamed Awdaahir Ibraahim oo ah masuulka ugu sareeya ee Xukuumadda kaga jira Deegaanka Allaybaday ayaa bilawgii xilkiisa waxa uu isku dayay inuu masuuliyadda Jidkaasi gacanta ku qabto,isagoo gudi cusub u magacaabay balse waxa gaashaanka u daruurtay oo dhexda iskaga duubtay oo dagaal kaga hor tagtay Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Khadra Xaaji Gaydh,waxaanay hor istaagtay Gudidaasi wasiirku sameeyay,iyada ayaana illaa hadda gacanta ku haysa Jidkaasi xisaabtiisa iyo farsamadiisaba, Waxaana dhawaan jirtay lacag buuran oo Qurbajoogta Deegaankaasi iska soo ururisay oo meel dhexe taala oo buuq ka taagan yahay kadib markii ay Isku fahmi waayeen qaabka lacagtaasi loo gudoomayo.
Shabakada Baarcadeeye waxa uu keli ah bulshada u soo Gudbinayaa Xaqiiqada dhabta ah ee Jidkaasi ku sugan yahay,mana aha war cid lagu waxyeelaynayo.

COMMENTS