Baarcadeeye.com
Kooxaha Liverpool Iyo Arsenal Oo Barbaro Ku Kala Baxay Xili Ay Arsenal Marti Ku Ahayn Anfeild
December 21, 2014 - Written by admin

2434827300000578-2882684-image-m-86_1419184682498Sports(Baarcadeeye) -Kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa saddexda dhibcood ee Anfeild ayaalay kala qaybsaday, iyada oo kulankii xiisaha badnaa ee dhexmaray labada kooxood uu ku dhamaaday barbaro min laba gool ah. Liverpool ayay labada gool u dhaliyeen Coutinho iyo Skrtel halka Arsenal ay goolasha u saxiixeen Debuchy iyo Giroud.

Danny Welbeck jumps on the back of goalscorer Giroud and is joined by Alex Oxlade-Chamberlain (right) as Arsenal celebrate scoring

Liverpool ayaa gurigeeda Anfield ku soo dhawaysay kooxda Arsenal, Reds ayaana doonaysay inay iyada xusuusan guuldaro ka soo gaadhaa Arsenal ay xaalka ku sii xumayn doonto kooxdooda ayay ku hamiyaysay inay Gunners ka gaadho guul mihiim ah.

Arsenal ayaa Anfield ku soo laabatay markii ugu horaysay taniyo guuldaradii ceebtu ku soo gaadhay ee xili ciyaareedkii hore, waxayna doonaysay inay ceebtaa iska soo maydho.Liverpool ayaana ciyaarta ku bilaabatay qaab ciyaareed fiican, waxayna inta badan qaybtii hore ee ciyaarta haysata kubbada halka ay fursado fiicana abuurtay. laakiin fursada ugu fiicnayd ee gool loo fishay ayaa timid daqiiqadii 35 aad markaas oo uu Lazar Markovic ku sigtay inuu Liverpool u dhaliyo goolka furitaanka, laakiin waxaa fursadaas oo halis ahayd ka badbaadiyay goolhaye Szczesny.Kadib fursado isdaba joog ah iyo kubbad haysasho buuxda ayay Liverpool heshay goolkeeda furitaanka, waxaana daqiiqadii 45 aad ee dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta gool qurux badan u dhaliyay xidigeeda Coutinho kaas kubbad uu ka helay Henderson si qurux badan inta uu uga farsamaystay difaaca Arsenal goolka ka dhaliyay halka ay bartu dhulka kaga taalo. Ciyaarta ayaana noqotay 1:0 ay Liverpool hogaanka kula wareegtay.

Laakiin farxada iyo hogaanka Liverpool ayaan noqon mid sii waara, waxayna Arsenal goolka barbaraha la timid intii la timid daqiiqadii labaad ee waqtiga dheeriga ah ee qaybtii hore ee ciyaarta lagu daray, waxaana gool madax ah u dhaliyay difaaceeda Mathieu Debuchy kaas oo markiisa ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah.Waqtiga ay Liverpool goolka dhaliysay iyo marka ay Arsenal la timid goolka barbaraha ayay u dhaxaysay laba daqiiqo oo kaliya, waxaana qaladka goolka ay Arsenal dhalisay lahaa Skrtel oo ku guuldaraystay inuu kubbada iska saaro. Liverpool ayaa afar kulan oo kaliya shabaqeeda ilaashatay 23 kii kulan ee horyaalka ugu danbeeyay.qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku dhamaatay barbaro min hal gool ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay labada kooxood ku soo laabteen iyda oo dardaarn wayn ay ka soo heleen tababarayaashooda.Daqiiqadii 51 aad ayuu Giroud si aan ula kac ahayn madaxa iskaga taagay Skrtel kaas oo uu madax dhaawac dhiigbadan keenay ka soo gaadhay. Laakiin Skrtel ayaa ciyaarta sii watay.

Kadib markii ay Liverpool fursado ay heshay iska qasaarisay ayay Arsenal fursadii kaliya ee ay heshay qaybtii danbe ee ciyaarta uga faa’iidaysatay inay ku dhashato goolka ay markeeda hogaanka ciyaarta ugu qabtay waxaana goolka labaad u dhaliyay Giroud kaas oo kubbad karoos ah oo dhulka socota oo uu ka helay  Santi Cazorla kooxdiisa ugu dhaliyay goolka natiijada ka dhigay 2:1 ka ah Arsenal hogaanka kula wareegtay, iyadoo markii uu dhaawucu soo gaadhay Skrtel ciyaarta waqtu ay waqti badan taagnayd, ayaa ciyaarta lagu daray 9 daqiiqo oo dheeri ah, laakiin waqtiga ciyaarta lagu daray ayuu Borini oo ciyaarta badal ku soo galay laba kaadh oo dinniin ah la siiyay isla markaana ciyaarta dibada laga dhigay.

Iyada oo xaalku ku xun yahay Liverpool isla markaana uu waqtiga dheeriga ah ee lagu daray ciyaartu ku dhaway yahay inuu dhamaado ayuu Skrtel gool madax  ah oo qurux badan kooxdiisa u dhaliyay, isaga oo ciyaarta ka dhigay barbaro 2:2 ah. ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 2:2 ah oo ay Liverpool iyo Arsenal dhibcaha ku qaybsadeen.Liverpool oo ciyaarta ku gacan saraysay bilaw ilaa dhamaad ayaa u qalantay inay barbaraha hesho inkasta oo qaabkii ay u ciyaaraysay guul laga filaayay.

COMMENTS